Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka arrimaha Dibada JDFI oo sheegay in la gaadhay waqtigii la dejin lahaa habka saxda ah ee Biyo-xidheenka Abay

Addis Ababa Aug 24, 2020 (Nehaase18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda JDFI Gedu Andargachew ayaa mar kale ku celiyey inay lagama maarmaan tahay in webiga Abay loo maro wadada saxda ah iyo wadaxaajoodyada.

Wasiir Gedu ayaa yidhi ”Dadku waa inay fahmaan in ka faa’ideysiga wabiga Abay ay tahay arrin sii joogtaynaysa nolosha isla markaana cadeyneysa jiritaanka bulshada dalkan Itoobiya.

Isagoo ka hadlayey kulan habka iyo muuqaalka casriga ah maalinnimadii axadii oo halkudhigiisu ahaa: “ webiga Abay : waa isha nolosha iyo sharafta ee dalakan Itoobiya, Gedu wuxuu ku macneeyay ereyga Abay inuu yahay mid weyn, muhiim ah, tixgalin mudan oo heersare ah.

Wabiga Abay waxa uu gacan weyn kagaysanayaa arrimaha dhanka dhaqaalaha, dhaqanka, taariikhda iyo xidhiidhka juquraafiyadeed ee dadkan Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

Geesta kale ,shan khubaro ah ayaa munaasabaddan kuso bandhigay daraasado ku aadan habsami u socodka webiga Abay iyaga oo ka eegay dhinacyo kala duwan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.