Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Arrimaha dibada JDFI oo waraaqihii aqoonsiga safiirnino ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Suudaan

Addis Ababa Aug 13, 2020 (Nehaase 7,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasiirka Arimaha Dibada ee JDFI Gedu Andargachew ayaa maanta qaabilay oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dhawaan dalka Suudaan usoo magacaabay dalkan Itoobiya Jamaal El Sheikh isaga dib loogu magacaabay jagada safiirnino.

Kadib khudbad soo dhaweyn ah oo uu kuso martiqaday wasiir Gedu, labada masuul ayaa yeeshay wadahadalo ku saabsan arrimaha danaha guud ee labada dal, sida ay sheegtay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalkan Itoobiya.

Dhanka kale, Intii uu socday wadaxaajoodku labada masuul waxa ay Isla soo qaadeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan islamarkaana labada masuul ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’antahay xallinta arrimaha xuduudaha iyada oo loo marayo habka farsamo ee ay labada waddan si wada jirka ah u qorsheeyeen.

Wasiir Gedu oo ka hadlayay xaalada hadda ee biyo-xidheenka dalkan Itoobiya (GERD) waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya ka go’antahay inay sii u wado wadahadalada si daacadnimo ku dheehantahy si wax looga qabto arrimaha ismaadhaafka iyo iyada oo uu aanu dalkan Itoobiya ka taanusulaynin xaqa uu u leeyahay Adeegsiga biyo xidheenkiisa
Niilka buluuga ah.

Wasiirka ayaa u rajeeyay safiirka shaqo wanaagsan muddada uu ku sugnaan doono dalkan itoobiya.

Danjire Jamaal El Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in mar labaad u yimaado dalkan Itoobiya isaga oo loo soo magacaabay safiir waxaana uu ku dheeraaday inuu u shaqayn doono heerarka karaankiisa ee ugu wanaagsan si uu u sii xoojiyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.