Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka arrimaha dibada oo kulan la qaatay danjiraha dalka shiinha ee Itoobiya

Ababa Sep 16, 2020 (Maskerem 6,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasiirka arrimaha dibadda JDFI, Gedu Andargachew, ayaa kulan is-xogwaraysi la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya dalakan Itoobiya,Tan Jian oo uu muddo-xileedkiisu dhammaaday.

Intii wadaxaajoodku u socday, Gedu waxa uu uga mahadceliyey safiirka waxqabadka muuqda ee uu qabtay muddadii uu ku sugnaa dalkan Itoobiya.

Wasiir Gedu ayaa sheegay in muddadii uu joogay safiirku wadanka uu xidhiidhka u dhaxeeya Itoobiya iyo Shiinaha si xawli ah uga korayay dhinacyada siyaasada, maalgashiga, ganacsiga, isdhexgalka bulshada iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay waxqabadka baaxada leh ee safiirka dalka Shiinaha ee dhameystirkii mashruuca Sheger waqtigii loogu talagalay iyo ka taageerida dalkan Itoobiya dagaalka ka dhanka safmarka COVID-19 .

Danjire Tan Jian ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Itoobiya sida ay ugu caawiyeen in uu si guul ah dalka uga soo shaqeeyay,Waxaana uu balanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xidhiidhka labada dal marka uu ku laabto dalkiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.