Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Caafimaadka oo gaadhay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Oct 28,2021 (Diqimti 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JDFI Dr.Liya Tadhase ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga.

Masuuliyiin heer Deegaan ah oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Xafiiska madaxweynaha DDS, Dr.Xuseen Xaashi Qaasim ,wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka JDFI, Marwo Saxarla Cabdilaahi ,Wasiiru-ku xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS,dr.Sharmarke Shariif Bule iyo masuuliyiin kale ayaa ku qaabilay garoonka diyaaraddaha ee Garaad wiil-waal masuuliyiinta ay hogaamineysay Marwo Liya Tadhase.

Marwo liya Tadhase ayaa Jigjiga u tagtay ka qaybgalka shirweynaha 23aad ee Caafimaadka dalka oo markiisii 1aad ka furmaya deegaanka Soomaalida Sabtida soo aadan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.