Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka gaashandhiga Itoobiya oo sheegay in ciidanku gudanayaan kaalintooda ku aadan hawlgalkasta.

Ababa Oct 13, 2020 Tiqimti 03,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Gaashaandhigga JDFI ayaa ku dhawaaqday kaalinta ay ciidanku ku leeyihiin yihiin sidii ay u fulin lahaayeen hawl-galkasta oo waafaqsan ilaalinta daryeelka bulshada.

Wasiirka gaashaandhigga, Dr. Kenea Yadeta, mar uu soo bandhigeyay waxqabadka qorshaha rubuca koowaad ee Wasaaradda, waxa uu sheegay in ciidanku markhaati ka yahay sumcada sii kordhaysa, wuxuuna caddeeyay mowqifkiisa dhexdhexaadnimo ee ah u adeegidda danaha shacabka iyo dalkaba guud ahaan.

”Ciidanku waxa ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo si hufan oo waafaqsan sharciga dastuuriga ah”, ayuu yidhi.

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaarrada Gaashaandhiggu ”ciidanku waxa ay la shaqeynayaan booliska federaalka iyo ciidamada amniga ee heer deegaan si loo ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta guud ahaan dalka”.

”Waxqabadyo kala duwan oo kor loogu qaadayo kartida ciidanka ayaa la qabtay si kor loogu qaado aqoonta ciidanka iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyada casriga ah islamarkaana loosoo bandhigo waxqabad wanaagsan” wasiirka ayaa intaas ku daray

”Hawlo wax ku oo ah ayaa ka socda qaybta diblomaasiyadda ciidanka militariga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka”. ayuu wasiirku sii raaciyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.