Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada Iyo Shaqaalaha DDS oo hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Addis Ababa,May 01, 2021 (Miyasiya 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada Iyo Shaqaalaha DDS Maxamed Faarax Faalug ayaa hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beegan 1-da bisha May u diray shaqaalaha Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in shaqaalaha dawladda ugu hambalyeynayo maalinta shaqaalaha adduunka oo guud ahaan caalamka laga xusayo si loo dhiirigaliyo shaqaalaha. waxa uuna ku bogaadiyey shaqaalaha dawladda kartida iyo dadaalka ay muujiyeen ee adeeg-bixinta bulshada.

Maalinta shaqaalaha adduunka oo sannad kaste 1-da bisha May laga xuso guud ahaan dunida ayaa maanta laga xusay markii 130aad ee caalamka, halka Itoobiya laga xusay markii 46aad. waxaana hanbalyo munaasabadda ku aaddan guud ahaan shaqaalaha Itoobiya u dirtay Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Itoobiya Ergoge Tesfaye.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.