Fana: At a Speed of Life!

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Mali oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaare

Ababa Sep 28, 2020 (Maskerem 18,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee dalka Mali Bah Ndaw ayaa magacaabay raiisul wasaare cusub oo rayid ah, sida uu shaaciyay telefishanka qaranka dalkaasi maalinnimadii shalay.

Mr Ndaw ayaa jagadan Ra’iisal Wasaaraha u magacaabay diblomaasi hore oo lagu magacaabo Moctar Ouane.

Mr Ouane wuxuu soo qabtay Wasiirka Arimaha Dibada ee Mali intii u dhaxeysay 2004- ilaa 2011-kii.

Waxa uu ahaa wakiilka joogtada ah ee Mali uu jooga QM,intii u dhaxaysay 1995-kii ilaa 2002-dii kadibna wuxuu lataliye dibloomaasiyadeed ka noqday urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Magacaabistiisa ayaa xal u noqon karta ka qaadista cunaqabateynta ay saareen ECOWAS kadib afgambigii bishii hore ay milatariga dalkaasi xukunka kula wareegeen.

Hogaamiyihii inqilaabka riday ee Col Assimi Goita ayaa soo xulay Mr Ndaw islamarkaana waxa loo caleema saaray jimcihii inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Mali.

Magacaabista madaxweyne rayid ah ayaa shuruud u ahayd in ECOWAS ay cunaqabataynta ka qaado dalkaasi ka dib afgembigii  milateri u xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Ibrahim Buubakar keyta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.