Fana: At a Speed of Life!

Wasiirrada Nabada JDFI oo sheeegtay in muwaadin kasta xaq u leeyaahay Diiwaangelinta Dhalashada iyo Tirakoobka si loo ilaaliyo xuquuqdiisa

Addis Ababa Aug 10, 2020 (Nehaase 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Hay’adda Socdaalka, Jinsiyaddaha iyo Dhacdooyinka Muhiimka ah ayaa maaanta daahfurtay maalintii 3-aad ee Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Maalinta Tirakoobka.

Wasiirka Wasaaradda Nabadda, marwo Mufarixaat Kaamil ayaa Khudbaddeedii furitaanka munaasabadda, ku sheegtay in Diiwaangelinta Dhalashada iyo Tirakoobkuba ay muhiim u yihiin dhowrista xuquuqda qof walba oo u dhashay dalkan Itoobiya.

dhanka kale,Waxaa laguxusay munaasabaddan  in 13 boqolkiiba oo keliya muwaadiniintu ay diiwaan-geliyeen Dhacdooyinka Muhiimka ah ee waddanka ka jira.

Sanadaha soo socda, waxa lagu dadaalayaa sidii loo diiwaangelin lahaa dhammaan dhalashooyinka si loo suurtageliyo in dhammaan carruurta ka yar shan sano ay haystaan ​​shahaadooyin dhalasho si kor loogu qaado habsami u socodka shaqada ee waaxda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.