Fana: At a Speed of Life!

weerar ka dhacay waqooyiga dalka Mozambique oo dad lagu laayay

Addis Ababa,Mar 29, 2021 (Megabit 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tobaneeyo qof ayaa dhimatay ka dib markii weerar lagu soo qaaday magaalada Palma ee ku taalla waqooyiga dalka Mozambique, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi.

7 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan goob Huteel ah oo ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidaasi sheegay Omar Saranga.

Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale wararka sheegayaan in la soo badbaadiyo.

Magaalada Palma ayaa tan iyo Arbacadii waxaa weerar ku hayay kooxo mintidiin ah oo halkaasi ka dagaalama.

Mid ka mid ah qandaraaslayaasha ayaa BBC u sheegay in dad badan ay hotelka ka baxsadeen islamarkana lagu soo badbaadiyay Doon.

Waxaa uu intaa ku daray in maanta oo Axad ah doontii lagu soo badbaadiyay ay dib u laabatay si dad kale ay u soo qaado.

Ma cadda tiradda rasmiga iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday magaalada Palma, ee ku taalla gobolka Cabo Delgado.

Magaalada iyo xeebtaba waxaa tuurnaa meydad ” qaarkood madaxa ayay ka go’naayeen”, sida uu sheegay Col Lionel Dyke, oo shirkadiisa dhanka ammaanka ay booliiska Mozambique u xilsaareen sugidda ammaanka aagaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdan ay la wareegeen magaalada Palma, balse wararkani ma aha kuwa la xaqiijin karo maadaama isgaarsiinta ay goobtaasi ka go’an tahay.

Arbacadii markii ay kooxdani mintidka ah ay weerarka soo qaadeen waxay bartilmaameedsadeen dukaamda, bangiyada iyo saldhigyada militari.

Wuqooyiga Mozambique ayaa tan iyo sanaddii 2017 waxay ahayd goob ay kooxo islaamiyiin ah weeraro ka wadeen.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.