Fana: At a Speed of Life!

Wefti ballaadhan oo ka socda dalkan Itoobiya oo gaadhay magaalada Berbera ee Somaliland

Addis Ababa,June 24, 2021 (Senee 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti ballaadhan oo ay hoggaaminayaan wasiirka maaliyada JDFI, Axmed Shide ,wasiiradda gaadiidka ,Degmawit Moges,iyo madaxweynaha deegaanka soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa gaadhay magaalada Berbera ee Somaliland.

Weftiga ayaa markii ay gaadheen magaalada Berbera waxa si diirran usoo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi  Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Weftigan ayaa u jeedka safarkoodu ahaa ka qayb galka munaasibada xadhig-ka jarka dekadda cusub ee magaalada Berbera ee Somaliland,oo ay dhistay shirkada DP world ee Imaaraatka Carabta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.