Fana: At a Speed of Life!

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo soo gaadhay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Jan 18,2022 (Dir 10,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gaadhay magaaladan Addis Ababa.

Waxaana weftigan ka socday Somaliland si diirran madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Federaalka, oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda, Mudane Axmed Shide iyo wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Danjire Redwaan Xuseen.

Inta ay musuuliyiintani ku suganyihiin caasimadda Addis Ababa ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan xubno ka tirsan dowladda federaalka ee dalkan Itoobiya.

Waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo ku saabsan arrimaha gobolka geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka wadashaqayneed ee dalalka deriska ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.