Fana: At a Speed of Life!

Xaaladdaha feyraska ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaafay Sagaashan Kun

Addis Ababa Oct 21, 2020 (Tiqimti 11,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Kiisaska feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa kor u dhaafay Sagaashan kun oo xaaladood ka dib markii ay shalay wasaaradda caafimaadku warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 630 xaaladood oo cusub.

Tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa haatan ku taagan 90,490.

Dhanka kale,Tirada dadka u dhintay fayraska koroona ayaa haatan cagacagaynaysa 1,371 ka dib markii 6 ruux u dhinteen fayraska 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

Tirada ka bogsatay feyraska koroona guud ahaan dalkan Itoobiya ayaa iyana maraysa 43,638 ka dib 489 qof oo kasoo caafimaaday feyraska ,24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Ila hadda dalkan itoobya ayaa tijaabo shaybaadh oo ka dhan Covid-19 ku fuliyay 1,410, 496.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.