Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta Demada Fiiq oo tababar ku saabsan la-dagaallanka caadooyinka xun-xun u qabtay xubno isugu jira qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada ku nool magaalada Fiiq

Addis Ababa,Apr 22, 2021 (Miyasiya 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta Degmada Fiiq ayaa waxaa qaadanahayey xubno isugu jira hooyooyinka, dhallinyarada, culimmo-awdiinka iyo maamullada xaafadaha magaalada Fiiq.

Ujeeddada tababarkan oo ahayd ka-hortagga ku-dhaqanka caadooyinka xun-xun sida; guurka deg-degga ah iyo gudniinka fircooniga ah ayaa intii uu socday waxaa cashirrada bixinahayey khabiirrada Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta iyo Xafiiska Caafimaadka degmada Fiiq.

Xidhitaankii tababarkan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta degmada Fiiq ayaa waxaa hadallo dar-daaran ah u soo jeediyey xubnaha qaadanahayey tababarka madaxa Arrimaha Siyaasadda Xisbiga Barwaaqo Ee degmada Fiiq Mudane Farxaan C/ Cumar iyo Khadra Axmed wali madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta Degmada Fiiq.

Gabo-gabadii tababarkan, culimmo-awdiinka, hooyooyinka, dhallinyarada iyo maamullada xaafadaha magaalada Fiiq waxay hoosta ka xarriiqeen inayna haboonayn ku-dhaqanka caadooyinkani, ayna si wadajir ah uga hortagayaan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.