Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Biyaha Deegaanka iyo shirkad laga leeyahay waddanka Shiinaha ee CCECC oo kala saxiixday heshiiska mashruuca biyo-gelinta magaalada Jig-jiga ee wajigiisa 2aad.

Addis Ababa,June 26, 2021 (Senee 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Biyaha Deegaanka iyo shirkad laga leeyahay waddanka Shiinaha oo loo soo gaabiyo CCECC ayaa kala saxiixday heshiiska mashruuca biyo-gelinta magaalada Jig-jiga wajigiisa 2aad.

Mashruucan oo ay ku baxayso ku-dhawaad 800 Milyan oo Birr ayaa wax weyn ka tari doona biyo la’aanta baahsan ee ka jirta caasimadda, kaasi oo korna u qaadi doona heer-daboolka biyaha magaalada.

Wasiirka Xafiiska Biyaha, Mudane C/raxman Axmed Xasan oo heshiiskan ka hadlay ayaa tibaaxay in mashruucani uu yahay mid muddo soo jiitamayey, kaasi oo baahi weynna ay u qabeen shacabka magaaladu.

“Ma ahan xalkii ugu dambeeyay ee biyo-yaraanta Jig-jiga ka jawaabayey, balse waa mid culayskii weynaa ee biyo la’aanta yarayn doona sida aan aamminsan nahay”, ayuu yidhi wasiirku.

Heshiiskan waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Mudane C/raxman Axmed Xasan iyo Mudane Wu Jiuyi ku-xigeenka maareeyaha Shirkadda CCECC.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.