Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Caafimaadka DDS oo bulshada uga digay soo-laba-kaclayta caabuqa Covid-19.

Addis Ababa,Mar 29, 2021 (Megabit 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa bulshada uga digay soo-laba-kaclayta caabuqa Covid-19,kaas oo muddooyinkii u dambeeyay caalamkana si aad ah ugu faafayay ,gaar ahaana deegaannada soomaalidda oo uu faro baas ku hayo cudurku.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr.Mukhtaar Yuusuf Muuse oo xafiiskiisa waraysi ku siiyay TV-ga deegaanka Soomaalida (SRTV) ayaa sheegay in uu soo laba-kacleeyay caabuqa Covid-19. Deegaanka Soomaalidana ay jiraan dad maalin walba u geeriyooda cudurkaasi bilahan dambe iyo dad badan oo uu hayaba.

Labadii toddobaad (7aad) ee u dambaysay baadhitaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in uu caabuqu si xawli ah ugu faafay bulshada, balse uunan jirin wakhti xaadirkan wax taxadar ah oo bulshada dhexdeeda ah ka muuqda.

Wasiir kuxigeenka ayaana bulshada deegaanka ugu baaqay in taxadar dheer ah qof walbaa sameeyo, af-daboolkana la xidho ciddii aan qabinna wax adeeg ah la siin doonin.

Sidoo kalana, la joojiyo goobaha la iskugu yimaado, hay’adaha ah amniga deegaankuna ay soo celiyaan kala-yaraynta dadka raacaya gaadiidka dad-waynaha.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.