Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Hay’adda Qareennada Madaxa bannaan Ee Haweenka Itoobiya oo markii ugu horreeyay laga daah-furay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Apr 07, 2021 (Megabit 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’addan qareennada madaxa bannaan ee haweenka Itoobiya oo markii ugu horreysay xarun ku yeelanaysa Deegaanka Soomaalida ayaa u doodda xuquuqaha haweenka iyo carruurta ee lagula kaco xad-gudubyada, iyagoona ka caawinaya inay si lacag la’aan ah ugu doodaan.

Xaruntan ayaa dumarka uga faa’iidaysa sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaha aas-aasiga ah, sidoo kale hay’adda ayaa haweenka ka caawinaysa waxbarashada oo hadda ka hor ahayd mid hooseysa.

Haddaba, munaasabadda daah-furkani ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, kuwaasoo bah-wadaagta la ah Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta.

Waxaa si wadajir ah uga hadlay wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta Marwo Saynab Xaaji Aadan iyo wasiirka Xafiiska Xeer-Ilaaalinta guud Mudane Cabdiwali Jaamac oo sheegay in hay’adda qareennada madaxa bannaan ee haweenka Itoobiya ay tahay mid kaalin ka qaadatay horumarinta dumarka, raadinta xuquuqaha haweenka iyo carruurta ee lagula kaco xad-gudubyada.

Hay’adda qareennada madaxa bannaan ee Itoobiya oo la aas-aasay 1995-tii T.C (tirsiga caalamka) ayaa ah mid ka shaqaysa xuquuqaha dumarka iyo carruurta ee lagula kaco xad-gudubyada iyo sidii ay u heli lahaayeen qareenno madax bannaan, iyadoona sidoo kalena ka shaqaysa sidii ay dumarka uga qeyb-gali lahaayeen arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.