Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Maal-gelinta Iyo Warshadaha DDS oo qurbo-joogta u dhalatay deegaanka Soomaalida usoo badhigay fursadaha maal-gashi ee ka bannaan Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,Jan 17,2022 (Dir 09,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Hawl-wadeennada Xafiiska Maal-gelinta Iyo Warshadaha DDS ayaa qurbo-joogta u dhalatay deegaanka Soomaalida usoo badhigay fursadaha maal-gashi ee ka bannaan Deegaanka Soomaalida.

Tiro badan oo qurbo-joog ah oo ku timid baaqii ra’iisul-wasaaraha dalka dr. Abiy Axmed oo soo gaadhay Deegaanka Soomaalida, islamarkaana shir uga furmay magaalada Jig-jiga ayaa waxaa galinkii dambe ee maanta ka soo qeyb-galay kulanka masuuliyiin heer deegaan ah, waxa ayna hawl-wadeennada Xafiiska Maal-gelinta Iyo Warshadaha DDS qurbo-joogta u soo bandhigeen fursadaha maal-gashi ee ka bannaan Deegaanka oo tiro badan iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku mannaystay Deegaanka iyo siyaabaha aan looga faa’iideysannin.

Sida oo kale, waxaa qurbo-joogta loo soo bandhigay in ay xukuumaddu gamco furan ku soo dhawaynayso cid kasta oo maal-gashi ganacsi ka samaysanaysa Deegaanka. Qurbo-joogta ayaa soo-jeedin kaddib soo bandhigay caqabadaha ka hortaagan maal-gashiga Deegaanka oo ay kow ka tahay canshuurta faraha badan ee caqabadda ku ah agabyada ay la soo degayaan iyo adeegyada ay uga baahan yiin xafiisyada Deegaanka oo ku adkaada.

Masuuliyiintii heer deegaan ee ka soo qeyb-gashay kulanka ayaana jawaabo cad ka siiyay qurbo-joogta su’aalahii ay soo dhigeen.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.