Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS oo tababar u qabtay 100 xubnood oo isuga jira xisaabaaddada iyo qorshaynta ee xafiisyada dawlad Deegaanka Soomaalida.

Addis Ababa,Apr 08, 2021 (Megabit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tababarkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS ayaa waxaa tababarkan lagu siinayay 100 xubnood oo ah kuwa ka shaqeeya hannaanka maaliyadeed, gaar ahaan agaasinnada xisaabaaddada iyo agaasinnada qorshaynta ee xafiisyada heer deegaaan.

Tababarkan ayey ujeeddadiisu ahayd siday fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hannaanka maaraynta iyo xakamaynta kharash-bixinta, war-bixinnada xisaabaadka iyo maaraynta lacagaha caddaanka ah iyo nidaamka diyaarinta iyo maamulka miisaaniyadda.

Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiirka Xafiiska Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DDS Mudane Mubashir Dubbad Raage oo sheegay inuu tababarkan muhiim yahay, maadaama oo ay xukuumadda bishii hore samaysay isku-shaandhayn iyo isbaddal, islamarkaana ay jiraan shaqaale cusub, ayaa Xafiiska Maaliyaddu qorsheeyay in loo qabto shaqalaaha xisaabaadka tababar fahan hufan lagu siinayo, maadaama sannadka 2013-ku gabo-gabo ku dhaw yahay iyo siday ugu diyaar garoobi lahaayeen sannadka cusub ee 2014-ka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.