Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo ka hadlay dagaaladdii ka dhacay Muqdisho

Addis Ababa,Apr 26, 2021 (Miyasiya 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dhacay magaalada Muqdisho shalay iyo xalay.Iska hor-imaadyada ayaa dhex-maray ciidamada dowladda iyo ilaalada qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne.

Qoraal kooban oo UNSOM ay soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu yidhi “UNSOM waxay ka walaacsan tahay rabshadaha ka dhacaya Muqdisho. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo is xakameyn heerka ugu sarreeya ah oo ay muujiyaan dhammaan dhinacyada. Rabshaduhu xal uma ahan is-mari waaga siyaasadeed ee iminika. Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallada.”

Waxaa sidoo kale hore baaq kan la mid ah xalay usoo saaray safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Barlanga oo ka codsaday dhinacyada inay mujiyaan dulqaad, waxaana uu sheegay in loo baahan in la ilaaliyo hay’adaha dawladnimada iyo wadahadallada. Waxa uu sheegay in lalal xisaabtami doono kuwa ku lugta leh rabshadaha.

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan, hase yeeshee dhinacyadii shalay dagaalamay ayaa weli kala jooga goobahooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.