Fana: At a Speed of Life!

Xaflada Daahfurka mashruuca muuqaal qurxinta sheger oo maanta qabsoontay

Ababa Sep 10, 2020 (Baagume 5,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Xafladii daahfurka mashruuca Sheger ayaa subaxnimadii hore ee saaaka si rasmiya u qabsoontay.

Madaxweynaha JDFI Marwo Sahle-Work Zewde, Ra’iisall Wasaare Dr.Abiy Axmed, hogaamiyaasha diimaha iyo marti sharaf kale ayaa lagu martiqaaday ka soo qeybgalka munaasabadan.

Dhanka kale, Madaxweyne Zahle-work oo munaasibadda hadal ka jeedisay ayaa ugu hambalyaysay dhamaan shacabweynaha dalkan Itoobiya curashada sannadka cusub ee 2013 ,kaas maalinta berri ah eeJimcaha bilaabmaya,  iyada oo sidoo kalena mashruuca muuqaal qurxinta ee Sheger ku tilmaantay mid sifiican kor ugu qaadi doona muuqaalka iyo maqaamka magaalada Addis Ababa.

”Ka sokow dhisidda muuqaalka dalka iyo magaalada, beertan muuqaalka bilan ee  laga dhisay Addis Ababa waxa ay markhaati ka noqon kartaa waxa aan sameyn karno haddii aan iskaashanno”, ayay tidhi.

“Haddii dadaalkeenna ku aadan qurxinta ummaddeenna ay barbar socdaan dadaallada kale ee horumarinta, waxaan ku badali karnaa muuqaalka dalka muddo gaaban gudaheed,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Beerta Sheger waxa ay shaqo u abuurtay dad badan, ayay tidhi, iyadoo intaas ku dartay in maamulka magaalada Addis Ababa iyo dadka degganba ay u baahan yihiin inay cashar ka qaataan muuqaalka beertan ,si si wadajir loogu horumariyo beero yaryar oo kale.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shahaado sharaf ku maamusay dowladda Shiinaha iyo shakhsiyaad kale oo ka qayb qaatay dhismaha mashruuca muuqaal qurxinta ee Sheger.

Mashruuca Sheger ee muuqaal qurxinta, waxa daahfuray sanadkii hore Ra’iisal wasaaraha JDFI  ,si magaalada Addis Ababa looga dhigo goob dalxiisayaasha soo jiidata.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.