Fana: At a Speed of Life!

Xafladda daah-furka ee ‘cabbirka cududda sare ee heer dal’ oo lagu qabtay caasimadda Deegaanka Soomaalida.

Xafladda daah-furka ee ‘cabbirka cududda sare ee heer dal’ ayaa lagu qabtay caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Munaasibaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka oo kaashanaysa Xafiiska Caafimaadka ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha bah-wadaagta la ah Xafiiska Caafimaadka iyo hooyooyinka Deegaanka.

Munaasibaddan daah-furka oo ay ujeeddadeedu ahayd nidaamka qoysasku ay u cabbiri lahaayeen carruurta nafaqa-darradu ku dhacday, iyadoo Xafiiska Caafimaadka uu tababarro badan siiyay hooyooyinka siday carruurtoodu ugu fidin lahaayeen daryeel dhammaystiran.

Cabbirkan cududda sare ayaa u sahlaya qoysaska inay ogaadaan in ay carruurtoodaa, iyaga oo joogo gurigooda wakhti kooban gudahood, ku ogaadaan, taasi oo suurto-galinaysa in si hufan loo maareeyo, waxayna kor u qaadaysaa daaweynta xaaladda nafaqo-darrada, sidoo kale waxay awood u siinaysaa bulshada inay xil iska saaraan caafimaadka carruurdooda.

Waxaa furitaankii munaasibaddan ka hadlay wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxammuud Maxammed Cabdi oo sheegay in cabbirkan uu muhiim yahay inay bartaan hooyooyinka waaxda fidinta caafimaadka, ayna siisay tababarro badan oo lagu xoojinayo nidaamka ay u isticmaalayaan qoysaska, maadaama ay bulshadeenna tahay Xoolo-dhaqato, islamarkaana ay jiraan abaaro ku soo noq-noqda deegaankeenna ayaa waxaa lagama-maarmaan noqotay in Deegaanka Sooomaalida laga daah-furay cabbirka cududda sare ee carruurta.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.