Fana: At a Speed of Life!

Xarunta caafimaad ee Mihret oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa dalkan Itoobiya ugu deeqday Agab caafimaad oo qiimihiisu gaadhayo $290,000

Addis Ababa,Jan 11, 2021 (Dir 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xarunta Mihret Medical Supply Group (MMSG) oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa ugu deeqday dalkan Itoobiya dawooyin iyo agabka ilaalinta shaqsiyeed (PPE) oo qiimahoodu gaadhayo $ 290,000.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Mareykanka, Fitsum Arega, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in deeqdan “loogu talagalay bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka ee Itoobiya.”

Danjire Fitsum ayaa uga mahadceliyay Xarunta Mihret Medical Supply Group deeqda iyo raridda agabkan. Dalkan Itoobiya ayaa ilaa hadda diiwaangeliyay 128, 316 xaaladood oo Covid-19 ah, iyo 1,994 dhimasho ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.