Fana: At a Speed of Life!

Xarunta Saadaasha Hawada ee Deegaanka Soomaalida oo sheegay in daruuro ufo wataa ay sii jiri karaan maalmaha soo socda

Addis Ababa,July 26, 2021 (Hamle 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Daruuro wata ceeryaamo, roob aan badnayn, dabayl hufo ah iyo qabaw xooggan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah DDS ayey saadaasha hawadu sheegaysaa in toddobaadkan ay sii jiri karto.

Ashanaafi Muluuneh, madaxa kooxda digniinta hore ee Xarunta Saadaasha Hawada ee Deegaanka Soomaalida iyo deegaannada deriska ah ayaa sheegay in daruuraha hufada wata ay sii jiri karaan maalmaha soo socda.

Sida oo kale, waxa uu sheegay in bisha soo socota ee la sugayo ay da’aan roobabkii caadiga ahaa, laakiin hadda ay jiraan daruuro wata roob aan badnayn, ceeryaamo iyo qabaw daran.

Cimilada sii xumaanaysa iyo bad-weynta Hindiya oo roobabku kor u kaceen ayaa sababtay in qeybo ka mid ah wadammada Afrika si weyn isu badasho hawadu.

Xigasho:Somali Mass Media

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.