Fana: At a Speed of Life!

Xiisaddii u dhaxaysay WHO Iyo Maraykanka oo Markale Cirka Isku sii shareertay.

Addis Ababa, MAY 30, 2020 (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjarayo xidhiidhka waddankiisa kala dhaxeeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Madaxweynaha ayaa WHO ku eedeeyay iney ku guul- dareysatay in Shiinaha ay ku cadeyso inuu ka dambeeyay faafidda fayraska koroona.

”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO” ayuu yidhi madaxweyne Trump markii uu ku dhawaaqayay tallaabooyinka lagu ciqaabayo xukumadda Beinjing.

”Xukuumadda Washington waxay kharashaadka ku baxa WHO u weecin doontaa hay’adaha kale,” ayuu yidhi Trump.

Mareykanka ayaa kharashka ugu badan hay’adda ku bixiya oo sannadkii 2019-kii waxa uu WHO ku kharash gareeyay aduun lacageed oo ka badan afar boqol oo malyan oo doolar ($400m).

Trump oo u ololeeynaya dib u doorashadiisa ayaa lagu dhaleeceeyay qaabkii uu ula tacaalay fayraska corona oo ay dalkiisa ugu dhinteen dadka ugu badan dunida balse waxa uu dhaleecayn dusha kaga tuuray Shiinaha isagoo ku eedeeyay iney qariyeen dillaacidda fayraska corona.

“Maanta waxaanu joojinineynaa xidhiidhkii nagala dhaxeeyay hay’adda WHO, kharashaadkii ku bixi jirayna meelo kale ayaan u weecineynaa,” ayuu yidhi Trump isagoo ku sugan Aqalka Cad.

“Dunida haatan waxay la daalaa dhaceysaa dhibaato uu Shiinaha horseeday,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu WHO cadaadis ku saarayay si ay dunida u marin habaabiso.

Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay ku guul darreysatay inay Shiinaha kula xisaabtanto xakameynta coronavirus, ka hor inta aanu gaadhin heer uu bani’aadanka isaga kala gudbo. Cudurkan ayaa markii hore ahaa mid xayawaanka oo kaliya ku eekaa.

Shiinaha ayaa markii hore ku wargaliyay WHO in “neef qabatoonka uu qabowga sababo uu yahay kiis noociisa la fahmi waayay oo la arkay 31-kii bishii December”.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.