Fana: At a Speed of Life!

Xiisadii u dhaxaysay Maraykanka iyo Shiinaha oo mar kale cirka isku sii shareertay.

Addis Ababa Jul 27,2020 (Hamle 20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shiinaha ayaa la wareegey dhismaha qunsuliyaddii Mareykanka uu ku lahaa magaalada koonfur-galbeed ee Chengdu oo ahayd arrin argoosi kadib  markii Maraykanku uu  amray in shiinuhu xamaantiia ka xidh-xidho qunsuliyaddii uu shiinuhu ku lahaa magaalada Houston ee gobolka Texas.

Diblumaasiyiin Ameerikaan ah ayaa waxa ay isaga tageen qunsuliyadda uu dalkaas ku lahaa magaalada Chengdu ee waddanka Shiinaha, kaddib markii ay dhammaadeen72-kii saacadood ee kama dambaysta aheyd ee loo qabtay.

Saacadihii ka horreeyay aroortii Isniinta, ayaa la arkayay shaqaalaha oo wada baakado iyo boorsooyin.

Dhanka kale dad badan oo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee dhismaha qunsuliyadda, iyadoo intooda badan dadkaas ay luxayeen calanka Shiinaha, sawirrana ay halkaas isaga qaadayeen.

Beijing ayaa waxa ay amartay in la xidho hawlgalkaas arrintaas oo ay kaga jawaabaysay xidhitaankaankii qunsuliyadda Shiinaha uu ku lahaa magaalada Houston ee Mareykanka, arrintaas oo salka ku haysay eedo ah in qunsuliyadda loo isticmaalayay goob wax laga basaaso.

Arrintan qunsuliyada kala qaadashada ayaa cirka ku sii shareertay xiisadii horeba uga dhaxaysay  labada dal ee dhanka dhaqaalaha adduunka ugu horreeya iyaga oo muddooyinkii u dambeeyay hadallo kul-kulul hawada isku marinayay oo uu ka mid ahaayeen  in madaxweyne Donald Trump uu ku eedeeyay in feyraska Covid-19 uu kasoo unkamay sheybaadh ku yaalla magaada Wuhan ee dalka shiinaha ,islamarkaana uu ku eedeeyay in shiinuhu uu feyraska uu qariyay caalamka intiisa kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.