Fana: At a Speed of Life!

Xisbiga barwaaqo ee maamulka magaalada Diridhabe oo bilaabay hawlgal uu xisbigu ugu talogalay olilihiisa Doorashada.

Addis Ababa,Mar 31, 2021 (Megabit 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xisbiga barwaaqo ee maamulka magaalada Diridhabe ayaa bilaabay hawlgal uu xisbigu ugu talogalay olilihiisa Doorashada.

Hoggaaminta sare ee xisbiga barwaaqo ee maamulka magaaladda Diridhabe ayaa munaasibadan ka sheegay in xisbigu uu ku talojiro sidii magaaladda Diridhabe mustaqbalka u noqon lahayd xarun ku sifowda ganacsiga warshadaha iyo goob xarun u ah shixnadaha kala duwan ee la dhoofiyo ,sidoo kale goob lagu nasiyo shixnadaha laga keeno dekada  dalk Jabuuti.

Xubin sare oo ka tirsan xisbiga Barwaaqo ayaa isna dhankiisa sheegay in xubnaha xisbigu yeesheen kulan lagu gorfaynayo sidii maamulka magaalada Diridhabe looga bilaabi lahaa olalaha doorashada wareega 6aad ee dalka ka dhici doonta dhowaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.