Fana: At a Speed of Life!

Xisbiga Barwaaqo ee Oromada oo xilkii iyo xubinnimadiiba ka xayuubiyay saddex masuul oo sare.

Addis Ababa Aug 10, 2020 (Nehaase 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Xisbiga Barwaaqo golihiisa Oramada ayaa shaqadii ka joojiyay saddex masuul oo sarsare oo ka tirsanaa fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo (PP).

Madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee Oromada, Fikadu Tesema ayaa sheegay in xisbigu uu shaqada ka joojiyay Lemma Megerssa, Dayiba xassan  oo ka tirsanayd guddiga fulinta, iyo Milkessa Midega oo ahaa xubin golaha dhexe ah.

Lemma Megerssa iyo Dr. Milkkessa ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii ay jabiyeen anshaxixii xisbiga isla markaana ay gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, halka Dayiba Xassan shaqada looga joojiyay arrimo laxidhiidha rabshado ka dhacay Aaga bariga Arsi ee Gobolka Oromia, sida uu sheegay Fikadu.

Kulankoodii labada maalmood qaatay ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa Xisbiga barwaaqo golihiisa Oromadu waxa uu ku qiimeeyay kartida iyo habsami u socodka hawlaha dib-u-habaynta waxaana lagu meel mariyay go’aanno looga golleeyahay in isbeddello ka hanaqaadaan dalka.

Xisbigu waxa uu bogaadiyay hoggaanka dib-u-habaynta oo ballaadhiyay baaxadda siyaasadeed iyo geedi socodka dimuqraadiyada ee dalka tan iyo markii uu talada uu la wareegay sanadkii 2018-kii.

Dhanka kale,tallaabooyin kala duwan ayaa la qaaday iyada oo guulo wax ku ool ah laga gadhay hawlihii biyo-xidheenka iyo in si guul leh loo dhammaystiro wejigii koowaad ee biyo-xidheenka dalkan itoobiya.

Fikadu ayaa sidoo kale xusay in lagu guulaystay hirgelinta barnaamijka cagaarinta ee dalka laga fuliyay fikradaana uu lahaa hogaanka xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

Fikadu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xisbiga uu waajahay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ka dhacay deegaanka Shene ee maamulka Oromada sababta oo ah xasillooni darradii dhawaan ay soo maleegeen kooxda TPLF iyo OLF- waxaana uu wacad ku maray in xisbigu iska ka difaaci doonaan cadawga ka imanaya gudaha iyo dibadaba isla markaana ay ilaalin doonaan halganka loogu jiro nabadda iyo horumarka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.