Fana: At a Speed of Life!

Xisbiga barwaaqo oo tababar u furay xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga

Addis Ababa Aug 31, 2020 (Nehaase 25,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Xisbiga Barwaaqo (PP) ayaa maanta magaalada Addis Ababa tababar uga furay xubnaha hoggaanka xisbiga heer federaal ee deegaannada.

Tababar shan maalmood soconaya ayaa waxa tababar ku qaadanaya in kabadan 420 tababarte oo isugu jira wasiiro ilaa heer agaasime ku xigeen  , sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xisbiga.

Dr.Alemu Sime, oo ah madaxa xisbiyada siyaasada iyo arimaha ururada bulshada rayidka ah ee xisbiga barwaaqo ( PP) ayaa khudbadiisa furitaanka ku sheegay in tababarka loogu talagalay in lagu dhiso awooda loo baahan yahay si lagu gaadho barwaaqo qaran iyadoo la joogtaynayo hanaankii dib u habaynta.

Geesta kale, waxa uu intaa raaciyay tababarkan loogu talagalay in lagu abuuro isfaham guud oo u saamaxa hoggaanka xibiga in si wada jir ah ay uga wada shaqeeyaan danaha guud ee xisbiga.

Xafiiska Addis Ababa iyo xafiisyada kale dawlad deegaannada ee xisbiguba waxa ay tababar siin doonaan xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga u metalaya heer deegaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.