Fana: At a Speed of Life!

Xisbiga Barwaaqo oo ugu ugu baaqay muwaadiniinta in ay isku duubni muujiyaan si looga hortago halista dalka kusoo waajahan

Addis Ababa,NOV 02,2021 (Diqimti 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xisbiga Barwaaqo ee magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay muwaadiniinta in ay isku duubni muujiyaan si meesha looga saaro halista ay TPlF u maleegayso dalkan Itoobiya.

Deegaannada ka mid ah Amxaarada iyo Canfarta ee gacanta u galay TPLF waxa ay lid ku tahay madaxbannaanida qaranka iyo wadajirka dhuleed ee Itoobiya ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka uu soo saaray xisbiga barwaaqo ee magaalada Addis Ababa.

Warmurtiyeedka waxa sidoo kale lagu yidhi,muddadii ay TPLF maamulayeen Itoobiya waxa ay xabsi iyo barakicin u geysteen qowmiyadda Oromada iyagoo ku shambadaynayay waxa aad ka tirsantihiin ururka OLF,Cadawna ka dhigtay Amxaaradda,halka deegaannada Canfarta , Soomaalida, Gambellaha iyo Hararida ka dhigeen in dalka ay ka yihiin dabaqadda muwaadinka labaad,taasina waxa ay muujinaysaa cabudhinta iyo takoorka ay TPLF  kala dhex-dhigtay muwaadiniinta.

Sidaa awgeed ,xisbigu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in meel looga soo waddajeedsado si loo jebiyo kooxda TPLF islamarkaana loo xaqiijiyo wada noolaanshaha Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.