Fana: At a Speed of Life!

Xisbiyada siyaasadda ee dalka oo maalinta berri ah, bilaabaya ololahooda doorahada ee dhanka warbaahinta

Addis Ababa,Apr 07, 2021 (Megabit 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’adda Warbaahinta Itoobiya iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee (NEBE) ayaa xisbiyada siyaasadeed ee dalka u qoondeeyay jadwal baahineed laga siinayo telefishannada ,raadiyayashaa iyo bogaga wargeysyada dalka ,kaas oo hab qorituur ah loogu sameeyay.

Hay’adda warbaahinta iyo guddiga doorashada ayaa ilaa hadda shaaciyay qoondada baahineed ee ah waqtiga ay ka helayaan Xisbiyada ku tartamaya doorashada ,si ay usoo bandhigaan olalahooda ,ka hor doorashada guud ee soo socota.

Waqtiga baahineed waxa loo qoondeeyay 46-ka xisbi siyaasadeed ee ku tartamaya doorashada ,taas oo ay 23 telefishan ,21 idaacadood iyo 8 wargeys ,ay ka qayb qaadanayan soo tebinta ololaha xisbiyada siyaasadda ee doorashada ka hor.

Waqtiga baahinta waxa loo kala qoondeeyay sida tan, 620 saacadood oo raadiye ah, 425 saacadood oo telefishannada ah iyo 625 saaacadood oo ah bogaga wargeysyada.

Xisbiyada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada guud ee 6aaad ayaa waxa ay maalinta berri ah,bilaabi doonaaan barnaamijka ololahooda ee doorashada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.