Fana: At a Speed of Life!

Xukuumada Libya oo sheegtay in ay qasab tahay in calooshooda u shaqaystayaasha Ruushka laga saaro Sirte.

Addis Ababa june 28,2020 (Senee 21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Afhayeenka ciidamada dawlada uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya Maxamed Qanunu ayaa sheegay in sifaynta(ka saarida)  calooshooda u shaqaystayaasha  Ruushka ee saldhigyada Sirte iyo ALjufra ay tahay mid qasab ah.

Maxamed Qanunu ayaa sheegay  in magaalada Sirte ay tahay meesha keliya ee xudunta bartilmaameedka u ah dambiilayaasha iyo calooshooda u shaqaystayaasha Ruushka  kuwaas oo lagu soo jebiyay iska hor imaadyadii magaalooyinka Tripoli iyo Tarhuna.

Sirte ayaa haatan noqotay meesha ugu halista badan ee uu ku jiro ammaanka iyo nabadda dalka liibiya sida uu lagu sheegay bayaan u saaxafada u sheegay xafiiska hawlgalada  fulkaanaha cadhada ee xukuumada liibiya.

Qanunu ayaa sheegay in calooshooda u shaqeystayaasha shirkada colaadaha ka macaashta ee Wagner ay u rogeen (bedeleen) saldhiga Jufra iyo garoonka diyaaradaha xarun talis oo ay ka maamulaan  xarumaha kaydka shidaalka ee koonfurta dalka.

‘’waxaan go’aansanay inaan u badbaadino magaalooyinkan si nabad ah amaba  anagoo adeegsanayna awood milateri, ”ayuu yidhi.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattaax al-Sisi ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay  in Qaahira ay qaadayso “hawlgallo militari oo dibadeed” gudaha Libya “haddii loo baahdo,” isaga oo yidhi “faragelin kasta oo toos ah oo Liibiya ka timaadaa waxa ay noqonaysaa mid sharci ah oo caalami ah.”

Al-Sisi ayaa hore u sheegay in saldhigyada cirka ee Sirte iyo al-Jufra ay yihiin “khad cas”, isagoo ugu baaqay ciidankiisa “in ay u diyaar garoobaan in ay fuliyaan hawl kasta oo kasoo kordha xuduudooda, ama hadii loo baahdo meel ka baxsan xuduudooda.”

Dawlada Qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ee uu hogaamiyo Fayez al-Sarraj ayaa ah dawalada  leh awooda sharci ee wadanka iyada oo  xukuumada Tripoli ay la dagaal kula jirto  maleeshiyaadka bariga dalka ee ka amar qaata dagaal ooge Khaliifa Xaftar iyo dalal shisheeye oo ay ka mid yihiin Ruushka,Faransiiska ,Masar iyo Imaaraadka Carabka halka Turkey oo keliyana  uu taageero xukuumada dib u heshiisiinta qaran ee GNA.

Anadolu Agency

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.