Fana: At a Speed of Life!

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo 78 gaadhi ku wareejisay Ciiidanka gaarka ah ee DDS

Addis Ababa,Jan 12, 2021 (Dir 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-78 gaadhi ayay xukuumada Deegaanka Soomalidu ku wareejisay ciidanka xooga gaarka ah.

Gawaadhidan 78 ah ayaa ah wajigii 1aad ee 150 gaadhi oo ay xukuumada Deegaanku ku xoojinayso ciidanka xoogga gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida.

wasiirka xafiiska madaxwaynaha Xasan Maxamad xuseen, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ah, jeneraal Maxamad Axmad Maxamuud.

Gaadiidkan ayaa loogu talo galay in uu Ciidanka ka taageero dhanka gaadiidka si ay u sugaan amniga Deegaanka.

Wajiga 1aad ee gadiidkan ayaa ah 150 gaadhi halka wajiga 2aadna uu yahay 150 oo guud ahaan isku noqonaya 300 oo gaadhi.

Miisaaniyad dhan 277 milyan oo bir ayaa ku baxday, gaadiidkan ciidanka loogu talo galay.

Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.