Fana: At a Speed of Life!

Xukuumadda deegaanka Soomaalida oo kulan qiimayn ah ka yeelatay xaaladda abeereed ee deegaanka ku dhufatay

Addis Ababa,Jan 16,2022 (Dir 08,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Kulan lagu gorfaynayay isla’markaasina lagu qiimaynayay daddaaladii ku aadanaa gurmadka abaaraha ee toddobaadkii u danbeeyay iyo ka-jawaab-celinta xukuumad ahaan la sameeyay si meelaha gaabisku uu ka jiro loo xoojiyo islamarkaasina loo dardar-geliyo dhinacyada wanaagsan ayaa waxa uu ka qabsoomay Xafiiska Maaliyadda ee DDS.

Shirkan oo ay kasoo qayb’galeen Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim, Wasirka Xafiiska Maaliyadda, mudane C/raxman Axmed Xasan iyo masuuliyiin kale oo heer Deegaan ah ayaa lagaga wada hadlay qoddobo kala-duwan oo lagu xoojinayo gurmadka abaaraha iyo dhagaysiga war-bixinooyinkii u danbeeyay ee jawaab-celinta dawladda.

Nuxurka ugu muhiimsan ee ujeeddka kulankanina waxa uu ahaa qaabkii gargaar raashin oo deg-deg ah loo gaadhsiin lahaa goobaha ugusii daran dhinaca abaarta laga billaabo isniinta bariya hadduu eebbe idmo iyo in la xoojiyo nidaamka daba’galka iyo Isla-xisaabtanka sifo looga dhawrsanaado kutakri-falka hantida bulshada abaaraysan.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.