Fana: At a Speed of Life!

Xulka kubadda cagta ee Maamulka Magaalada Jigjiga ooo ku guulaystay koobkii Gobollada iyo maamul magaalooyinka DDS

Addis Ababa,Mar 07, 2021 (Yekatit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xulka maamulka Magaalada Jigjiga ayaa ku guulaystay koobkii Gobollada iyo Maamul Magaaalooyinka DDS ka dib markii ay gool ku laad 4 iyo 2 ah uga badiyeen xulka gobolka Jarar.

Ciyaarta ayaa 90 kii daqiiqo ee loogu talogalay ku soo dhammaatay barbarro min 2 gool ah.Balse xulka Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa sannadkan noqday Horyaalka Maamul Magaalooyinka iyo Gobollada DDS ka dib markii ay koobka ka qaadeen xulka Jarar oo difaacanayay koobka.

Ciyaartan oo xamaasaddu cirka ku shareernayd ayaa xulka Maamulka magaalada jigjiga waxa ay kula hoydeen koobkii 11 Gobol iyo 6 Maamul magaalo ee DDS.

Halka xulka Jarar oo iyaga laftoodu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, ayaa haddana looga badiyay rigoorayaal (gool ku laadyo) 4 iyo 2 ah ,kadib markii goolhayaha Xulka maamulka magaalada jigjiga Baashe uu laf dhuungashay ku noqday ciyaaryahannadii ay u soo xusheen gool ku laadka ,oo uu 2 ka mid ah ka qabtay, mid kalena uu hareer mariyay birta goolka.

Ugu dambayn Hambalyo Hambalyo xulka Maamulka magaalada Jigjiga ,oo sannadkan 2013 hantay koobka Maamul Magaalooyinka iyo Gobollada ee DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.