Fana: At a Speed of Life!

Xuska 18aad ee maalinta xoolo-dhaqatada Itoobiya oo ka qabsoomay magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya

Addis Ababa,Jan 25,2022 (Dir 17,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Munasabaddan xuska 18aad ee maalinta xoolo-dhaqatada oo sannadkan si diirran loogu maamusay magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya ayaa waxaa hal-ku-dhig looga dhigay ”Horumarka xoolo-dhaqatadu waa barwaaqada dalka”, iyada oo munaasabaddan sida oo kale lagaga arrinsanayay sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa saameynta abaaraha, horumar waarana loo gaadhsiin lahaa xoolo-dhaqatada si loo dardar-geliyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Waxaana munaasabaddan ka qeyb-galey hoggaaminta sare ee heer federal oo ay ugu horreyso madaxweynaha dalka, Sahale Warqi Zawde, af-hayeenka golaha federeeshinka ee dalka, mudane Aganyahu Tashager, wasiirka Wasaaradda Waraabka Iyo Horumarinta Dhulka Joogga Hoose, inj. Caysha Maxammed iyo waliba masuliyiinta deegaannada xoolo-dhaqatada iyo xoolo-dhaqato-beereleyda oo uu ka mid yahay madaxweyne-ku-xigeenka DDS, mudane. Ibraahim Cusmaan, wakiillada ka kala socda deegaannadan iyo marti-sharaf kala duwan.

Madaxweyne Sahleworqi Zawde oo ka hadashay munaasabaddan ayaa sheegtay in dowladdu ay fiiro gaar ah siisay xoolo-dhaqatada, islamarkaana ay waddo dadaallo xoolo-dhaqatada lagu gaadhsiinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku-filnaansho dhanka cunnada ah.

Dhankeeda wasiirka Wasaaradda Waraabka Iyo Horumarinta Dhulka Joogga Hoose, inj. Caysha Maxammed ayaa tilmaantay in la dajiyay qorsheyaal iyo jihooyin lagu horumarinayo xoolo-dhaqatada, iyada oo oo sida oo kale caddaysay in dhibataada abaaraha ee gaar ahaan wakhtigan saamaysay deegaannada sida Soomaalida iyo Oromada ku timid, maaddaama jihooyinkii la dhigtay iyo qorsheyaashasi aan sidii la rabay looga faa’iidaysan

Xuska maalintan xoolo-dhaqatada oo labadii sanaba mar la maamuso ayaa waxaa munaasabadda xigta ee maalinta xoolo-dhaqatada lagu qaban doonaa Deegaanka Canfarta.

Xigasho:SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.