Fana: At a Speed of Life!

معلومات عنا

FANA BROADCASTING CORPORATE SC.

Aqalka warbaahinta ee Fana Broadcasting Corporate waxa uu bilaabay shaqada warbaahinta sanadkii 1994kii. Waxa aan shaqada ku bilaabnay Qalab duug ah iyo shaqaale tiro ahaan kooban, laakin waxaanu ahayn warbaahintii ugu horaysay ee nooceeda ah ee qaab cusub oo warbaahineed ku soo bandhigta dalkan Ethiopia. Si talaabo talaabo ah ayaan hore ugu soconay, anaga oo xalinay caqabadihii na soo wajahay oo hagaajinay qaab-dhismeedka waxyaabaha aanu sii dayno sida wararka iyo barnaamijyada. Aqalkayaga warbaahineed oo ku caan ah barnaamijyo ay udub-dhaxaad u tahay rabitaanka bulshadu, islamarkaana ay naga go’antahay in aan horumarino xaalada siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshadayada anaka oo ka qayb qaadanayna nolol abuurkooda iyo horumarkooda guudba. Arintan ayaa waxay keentay in aan noqono dookha dadwaynaha oo aan soo jiidano dhagaystayaal badan iyo bah-wadaagyo shaqo oo kala duwan oo danaynaya Telefeeshankayaga, Radyawgayaga iyo Baraha Tooska ah ee Internetkaba.
Warbaahintayadu waxay hormuud ka noqotay in ay badasho dhaqanka warbaahinta ee dalkan Ethiopia iyada oo kor uqaadaysa barnaamijyada waxbarashada, wargalinta iyo madadaalinta dadwaynaha. Arrintaasuna waxay noogu suurtagashay sababtoo ah waxaan shaqaalaysanay shaqaale xirfadleyaal ah oo khibrad badan leh anaka oo ku qalabysan technoolajiyadii casriga ahayd ee ugu dambaysay caalamka warbaahinta. Warbaahinta Fana broadcasting corporate oo khibrad Qani ah ku leh warbaahinta Idaacadaha radioyowga iyo baraha bulshada ee online ta ah, Fana waxay dhisatay fooq-wayn oo 11 Dabaq ah oo ay iyadu iska leedahay kana kooban dhammanba qaybaha kala duwan ee warbaahinta. Waxaana aan ku dadaalaynaa in aan noqono warbaahinta hormuudka u ah dhammaan saxaafada Bariga Afrika.
Fana broadcasting corporate waxay noqotay hormuudka guud-ahaan saxaafada Itoobiya kadib markii taariikh cusub ay samaysay iyad oo dhisatay istiidyowgii ugu horeeyay ee HD ah heer caalami ah iyada oo sidoo kale bilawday baahinta telefishanka Qaab HD ah oo tayo sare leh. Kadib dhawr bilood oo si tijaabo ah ay hawada ugu jirtay waxay baahintii koowaad ee rasmiga ah bilawday sanadkii 2017kii iyada oo u xadhiga ka jaray Madaxweyne Diktoor Mulato Teshome.
Kadib markii aanu shaqogalinay wariyeyaal xirfadleyaal ah islamarkaana aanu diyaarinay qalabkii casriga ahaa ee loogu talagalay oo dhan ee dhinaca warbaahinta onlineka ah ee tabinta tooska ah ee baraha bulshada iyo website oo ah ta ugu isticmaalka badan beryahan dambe, waxa ay Fana broadcasting corporate si online ah warka ugu tabisaa afafka Amxaariga, oromada, soomaaliga, canfarta, tigreega, iyo Englishta iyada oo warka si daqiiqad daqiiqad ah u soo dhigtaa baraha Websiteka iyo bogaga facebookga iyo twitterka- warkaasi oo ka kooban qoraalo, codad iyo muuqaalba. Waxaana dhagaystayaasha usbuuci/tobaadkii aanu warka gaadhsiina ay ka badanyihiin 6 milyan oo qof.
Adeega baahinta idaacada radiyaha, Fana broadcasting corporate waxa ay leedahay idaacad qaran iyo mid FM ah oo ka soo gasha mawjada FMta ee 98.1 taas oo laga dhagaysto magaalada Addis Ababa iyo 11 Magaalo oo kale oo ku yaala gobolada dalka qaar ka mid ah. Idaacada radio fana waxa ka hawlgala shaqaale xirfadlayaal saxaafadeed ah waxaana ay istuudyaasheedu ay ku qalabaysan yihiin tiknoolajiyadii ugu dambaysay ee warbaahinta idaacadaha. Waxaaana ay Radio Fana leedahay 12 idaacadood oo FMta ka soo gala guud ahaan gobolada dalka waxaana ay ku baxaan luuqadaha Amxaariga, Oromada, soomaliga, canfarta, tigrayga, wolaytada iyo luuqada sidhaamaha.
Fana broadcasting corporate wakhti xaadirkan waxay leedahay Goob Tababarada iyo latalinta saxaafada lagu bixiyo waxaana ay aasaasatay xarunteeda gaarka ah ee bixisa tababarada tiknoolajiyada, Barashada Saxaafada iyo isgaadhsiinta. Wakhti xaadirkana waxa u shaqeeya Fana in ka badan 1000 qof oo ah mihnadlayaal saxaafadeed oo hawlkar ah islamarkaana ka gonaanshiyo ku sifaysan.