Fana: At a Speed of Life!

safiir Lencho iyo dowladda sucuudiga oo ka wada xaajooday xaaladda muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee sugan Sucuudiga

Addis Ababa,Apr 12, 2021 (Miyasiya 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ergayga iyo danjiraha JDFI loo magacaabay dalka Sucuudi-carabiya Leeenjo Baati ,ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirerimo guddoonsiiyay Meshaari Bib Nehiit oo ah madaxa wasaaradda arrrimaha dibada Sucuudiga ee qaybta protocol-ka.

Danjire Leenjo Baati ayaa waxa uu Meshaar Bin Nehiit uga xog-warramay arrimo la xidhiidhay hawlgalkii sharcifulinta ee deegaanka Tigray ,khilaafka xuduudeed ee dhexmaray Suudaan iyo Itoobiya,iyo sidoo kale wadaxaajoodkii saddex-geesoodka ahaa ee dhexmaray dalalka Itoobiya,Suudaan,iyo Masar ee biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD).

Wadahadalada labada dhinac ayaa lagu soo gabagabeeyay balanqaadyo lawda galay, si kor loogu qaado iskaashiga dhinacyada arrimaha dhaqaalaha, bulshada, iyo siyaasada, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha dibadu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.