Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in 10 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya laga tallaalay cudurka COVID-19

Addis Ababa,Feb 09,2022 (Yekatit 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa sheegtay in 10 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya laga tallaalay cudurka COVID-19.

Isuduwaha  Ololaha Tallaalka Qaranka, Dr. Mebratu Masebo ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay la shaqeyneyso hay’ado kala duwan si loo suurtageliyo in 20 milyan oo qof oo kale ay qaataan tallaalka mustaqbalka dhow.

Waxaana uu sheegay in dadka da’doodu ka weyn tahay 12 sano ay bartilmaameed u ahaayeen tallaalka Pfizer, Dr. Mebratu wuxuu intaas ku daray in ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha la siiyay mudnaanta ololahan hadda socda.

Dr. Mebratu ayaa yidhi ”Hargabka lamoodka sida ba’an ugu faafay dhawaanahan Itoobiya oo bulshadu u bixiyeen hargabka cusub ayaa noqday mawjada afraad ee nooca cusub ee Covid-19 ee Omicron”.

Tiro aad u badan oo ah tallaalada Sinopharm iyo Johnson & Johnson ayaa la soo dejiyay, waxaana ololaha diiradda lagu saari doonaa beeraha, suuqyada, marka laga reebo dugsiyada iyo jaamacadaha si loo helo boqolkiiba tiro badan oo dadweynaha ah oo tallaalan, ayuu yidhi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.