Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo gaadhay gobolka Borena si uu ugu kuudhgalo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen

Addis Ababa,Feb 03,2022 (Dir 26,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha degaanka Oromada Shimeles Abdissa ayaa booqasho ku tegay degmada Yabello ee gobolka Borena si ay ugu kuudhgalaan xaaladda ka jirta deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

Roobab la’aanta ayaa keentay caqabado badan oo ay ka mid yihiin cunto-yaraan ,calafka xoolaha gabaabsi ah iyo biyo la’aan baahsan oo soo foodsaartay deegaannadaas.

Dowladda ayaa wadda dadaallo kala duwan oo wax looga qabanayo xaaladda abaareed ee ka jirta meelo badan oo ka tirsan saddex dowlad deegaan oo dalka ka mid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.