Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaare Abiy oo sheegay in doorashada sannadkan ay tahay mid fure u ah waxyaabo muddo guntanaa.

Addis Ababa,Apr 26, 2021 (Miyasiya 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaare Dr.Abiy Axmed ayaa sheegay in doorashada sannadkan ay mid fure u ah waxyaabo muddo guntanaa.

Ra’iisal Wasaare oo ka hadlay arrimo la xidhiidha doorashada 6aad ee heer qaran ayaa waxa uu sheegay in aan la moogaan in doorashadani tahay mid furaysa guntimihii jiray muddada dheer.

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu ku nuuxnuuxsaday in sannado badan ay suuragal geli weyday in su’aalaha dadweynaha lagu dabaqo hab-dhaqan dimuqraadiyaseed.

Sidoo kale waxa dadaalkiisa ka mid ahaa in xilliyadii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo dhankii laga eegaba ku salaysnaa burbur ,islamarkaana kaabayaashii horumarka ee muddada dheer lasoo dhisayay waqti kooban lagu burburiyay sababa laxidhiidha kala duwanaansho maalmo ku joognaa,islamarkaana aan jawaabihii ku haboonaa lasiin su’aalihii lasoo jeediyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.