Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti: Qurbojoogtu waxa ay ka qaybqaadan doonaan barnaamijyo kaladuwan oo Qaran

Addis Ababa,DEC 30,2021 (Tihsas 21,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Danjire Dina Mufti oo qabtay shirkiisi jaraa’id ee todobaadlaha ahaa waxa uu ku sheegay in qurba-joogta Itoobiyaanka ah ee dalka imanaysa ay ka qaybqaadan doonaan barnaamijyo heer qaran ah oo kala duwan oo ay xukuumaddu fududaynayso.

Dadweyne aad u badan oo Itoobiyaan ah, dad asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya iyo saaxiibada Itoobiya ayaa ku soo guryo noqonaya dalka iyagoo ka jawaabaya baaqii uu u diray Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ee ku ahaa xujada ballaadhan ee kusoguryonoqoshada muwaadiniinta Itoobiyaanka, ayuu yidhi.

Barnaamijyadan waxaa loogu talagalay in kor loogu qaado ka qaybgalka qurbajoogta ee hawlaha qaranka ee muhiimka ah oo ay ka mid yihiin dib u dejinta ay saameeyeen colaaduhu iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ay burburiyeen kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Xaflado dhaqameed, bandhigyo, booqashooyin lagu tagayo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen iyo xaflado diini ah oo lagu qabanayo Lalibela inta lagu guda jiro ciidda Christmas-ka ayaa ka mid ah barnaamijyada loo qorsheeyay in qurbajoogta ay ka qayb qaataan hawlaha guud ee dalka, sida uu sheegay Af-hayeenku.

Qurba-joogta ayaa door muhiim ah ka qaatay iska caabinta cadaadisyada shisheeye iyo ololayaasha been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya iyo ka qayb qaadashada taageerada dadaallada horumarineed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.