Fana: At a Speed of Life!

Is-maamulka Diridhabe oo shacabka abaaraysan ee deegaanka Somaalida ugu deeqay 10 milyan oo birr

Addis Ababa,Jan 11,2022 (Dir 03,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Is-maamulka Diridhabe ayaa shacabka Deegaanka ee abaaraysan ugu deeqay adduun lacageed oo dhan 10 milyan oo birr.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa madaxtooyada ku qaabillay Masuuliyiin uu hoggaaminayo Maayorka is-maamulka Diridhabe mudane Khadiir Jawhar oo shacabkooda abaaraysan ee Deegaanka u siday haddiyad lacageed oo wakhtigii loo baahnaa ay kusoo garab istaageen bulshadooda.

Lacagtani oo dhanayd 10 milyan oo birr ayaa waxaa ka guddoomay maayorka Diridhabe, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Madaxwayne-ku-xigenka Mudane Ibraahim Cusmaaan Faarax oo masuuliyiinta uga mahad-naqay garab istaaga ay u muujiyeen wakhtigani adag.

Deegaanka ayay ka jirtaa abaar daran oo saamaysay nolosha bulshada iyo xoolaha taasi oo keentay in iyada oo la adeegsanayo awoodda maaliyadeed ee xukuumadda in haddana la sameeyo xidhiidho heer Dal iyo Caalamiba isugu jira si gargaarka bulshadu uu u noqdo mid loo dhanyahay.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.