Fana: At a Speed of Life!

Hoggaaminta sare ee deegaanka Soomaalidda oo yeeshay kulan ay kaga arrinsanayan xaaladda wati xaadirkan ee deegaanka iyo dalka

Addis Ababa,Jan 13,2022 (Dir 05,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa qabsoomay kulanka hoggaaminta sare ee Deegaanka oo lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo jawaab-celinta abaaraha.

Waxaa kulanka lagu lafa-guray xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo Deegaanka gaar ahaan diyaar-garowga loogu jiro in la qabto wada-haddalada heer qaran.

Waxaa la isla gartay in wada-haddalku uu noqda mid ka turjumaysa xal-u-helida mushkiladaha siyaasadeed ee aan dhaxalnay Deegaan ahaan, xooggana saarno in tabashooyinka soo-jireenka ah ee ay shacabkeennu qabeen ay qayb ka noqoto qoddobada dooda. Waxaa la isla gartay in la billaabo wada haddal Deegaan si loo middeeyo afkaarta ku aadan waxa ka soomaali ahaan aan la tagayno fagaaraha qaran.

Waxaa kale oo la isla qaatay in la xoojiyo amnigga gudaha iyo xuduudaha Deegaanka. Dhinaca Abaaraha waxaa la boggaadiyey shaqooyinka jawaab-celinta gaar ahaan daddaalada ay wadaan maamulada Gobolada iyo Degmooyinka. Waxaana la go’aamiyay in la sii xoojiyo hawlaha ka jawaabidda abaaraha.

Sida oo kale waxaa ay hoggaamintu baaq udireen dhammaan saamilayda, qurbajoogta iyo hantilaayaasha Deegaanka in ay ka qayb qaataan hawlaha samata bixinta Bulshada.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.