Fana: At a Speed of Life!

Shirkii 43aad ee guddiga ergooyinka joogtada ah ee Midowga Afrika oo maanta qabsoomay

Addis Ababa,Jan 20,2022 (Dir 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan maanta bilowday ee 43aad ee guddiga ergooyinka joogtada ah oo sannadkan 2022-ka uu soo qabanqaabiyay Midowga Afrika (AU) ayaa waxa halkudhig looga dhigay ” dedejinta awoodda waxsoosaarka cuntada qaaradda Afrika, horumarinta kheyraadka biyaha, dhaqaaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada ee qaaradda”.

Sida uu sheegayo warkan oo aanu kasoo xigannay wakaaladda wararka Itoobiya(ENA) ayaa waxa shirkaasi ergooyinka joogtad ah ee midowga Afrika kasooo qaybgalay guddoomiyaha midowga Afrika Muusa Fiqi maxamed iyo danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika.

Waxayna guddiga ergooyinka joogtada ah ee Midowga Afrika ajandayaasha ay madashaasi ku falanqaynayaan ka mid ah shirka 40aad ee golaha hawl-fulinta Midowga Afrika oo socon doona 25-ka ilaa 26-ka bishan Dir ee Tirsiga Itoobiya iyo weliba shirka 35aad ee hoggaamiyayaasha Midowga Afrika oo socon doona 28-ka ilaa 29-ka bishan Dir, 2014.

Shirkan guddiga ergooyinka joogtada ah ee Midowga Afrika oo socon doona laba maaalmood ayaa waxa lagu dhegaysan doonaa warbixinno la xidhiidha waxqabadkii hay’addaha hoos-yimaadda Midowga Afrika iyo shirarkii ay qabteen sannadkii 2021-kii.

Sida laga warqabo waxa la go’aamiyay in magaaladan Addis Ababa lagu qabto shirka 35aad ee hoggaamiyayaasha Midowga Afrika iyo weliba shirka 40aad ee golaha hawl-fulinta Midowga Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.