Fana: At a Speed of Life!

Xukuumadda GNA ee liibiya oo gaadiid gaashaaman u dirtay galbeedka Sirte.

Addis Ababa Jul 19,2020 (Hamle 12,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ciidamada milateriga xukuumada Liibiya ayaa Sabtidii u diray dhawr baabuur oo gaashaaman dhinaca galbeed ee gobolka Sirte.

Gawaadhi gaashaaman oo aad u tiro badan ayaa gaadhay tuulada Abu Qurayn oo galbeed ka xigta magaala xeebeedka Sirte, si halkaas looga saaro xoogaga Jeneraal khaliifa xaftar ee isku urursady badhtamaha magaalada Sirte iyo Jufra sida laga  soo xigtay militariga xukuumada liibiya.

xoogaga xaftar ayaa weeraro ku soo qaadayay Tripoli iyo qaybo kale oo waqooyi-galbeed Libya ah tan iyo bishii Abril 2019, taasoo keentay dhimashada kumanaan qof, oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Dawladda qaramada midoobay ay u aqoonsatay inay tahay dawlada sharciga ah ee waddankaas, ayaa dhawaan gaadhay guulo la taaban karo, iyada oo xoogagga xaftar ka saartay Tripoli iyo magaalada istiraatiijiga ah ee Tarhuna.

Dawladda cusub ee GNA waxa la aasaasay sanadkii 2015-kii iyadoo la raacayo heshiis ay QM hogaamineysay, laakiin dadaalkii loogu jiray deganaanshahii siyaasadeed ee muddada dheer ayaa lagu guuldareystay sababo la xidhiidha ah weeraradii milatari ee jeneraal xaftar ku qaaday qaybo ka mid ah dalka, iyada oo ay taageerayaan dalal shisheeye oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee Ruushka, Imaaraadka carabta iyo Masar,halka dalalkaTurkey-ga iyo Talyaaniguna ay taageerayaan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay  Ra’iisal wasaare Faaiz Alsarraj.

Ciidankan ay xukuumada liibiya u dirtay Galbeedka sirte iyo Jufra ayaa ay ku xoojinaysaa si ay meeshaas uga qabsato xoogaga xaftar ,iyada oo laga cabsi qabo in iska hor imaadyo xoogani ay halkaasi ka dhacaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.