Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha  Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo la filayo in ay soo gaadhaan dalkan Itoobiya

Addis Ababa,Jan 17,2022 (Dir 09,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha JDFI Dr.Abiy Axmed ayaa la filaya in ay soo gaadhaan magaaladan Addis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaaladan Addis Ababa kaga soo horreeyay wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa weftigan, kuwaas oo kala ah wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash.

Inta ay musuuliyiin ku suganyihiin caasimadda Addis Ababa ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan xubno ka tirsan dowladda federaalka ee dalkan Itoobiya.

Waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo ku saabsan arrimaha gobolka geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka wadashaqayneed ee dalalka deriska ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.