Fana: At a Speed of Life!

Kuuriyada waqooyi oo halkeedii kasii wadda tijaabinta gantaalaha halista badan

Addis Ababa,Jan 17,2022 (Dir 09,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda Japan, waana markii afaraad oo ay tijaabadasi sameyso bishan.

Cutubyo ka tirsan militariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa ogaaday gantaalka laga soo riday xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.Ilaa hadda lama oga nooca hubka ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi.

Horaantii bishaan Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay tijaabada labo gantaal oo ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic.Sheegashadaas ayaa muran laga keenay islamarkaana madaxweyne Biden ayaa cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogay Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabinta gantaallada ay qayb ka tahay xuquuqdeeda dhanka madaxbannaanida ee ay u leedahay in ay is-difaacdo.Dowladda Japan ayaa sidoo kale ka war heshay tijaabada gantaalkani , iyadoo xoghayaha guud ee golaha wasiirada Hirokazu Matsuno uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

In ka yar laba toddobaad, Kuuriyada Waqooyi oo sidoo kale ku hubaysan hubka Nukliyeerka ayaa samaysay saddex tijaabo oo kale oo gantaalo ah, taasi oo lagu tilmaamay wax caadiyan aan dhici jirin.

Todobaadki hore Shiinuhu wuxuu dhaleeceeyay cunaqabateynta cusub ee Mareykanka, laakiin wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay wada hadal yeeshaan si loo yareeyo xiisadaha.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cunaqabateyntiisii ​​ugu horreysay ku soo rogay Pyongyang Arbacadii, wuxuuna ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in liiska madow lagu daro shaqsiyaad iyo hay’ado dhowr ah oo Kuuriyada Waqooyi leedahay.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.