Fana: At a Speed of Life!

Mali oo ku eedeeysay Faransiiska in uu u adeegsado howlgalkiisa milateri kalaqaybinta dalalka Afrika

Addis Ababa,Feb 09,2022 (Yekatit 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha Mali ayaa ku eedeeyay Faransiiska in uu u adeegsado howlgalkiisa milateri ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah si uu u kala qaybiyo dalalka Afrika.

Mar uu la hadlayay xubno diblomaasiyiin ah, ayaa uu ra’iisal Wasaare Choguel Kokalla Maiga xusay in Mali ay marwalba ixtiraam weyn u heyso askarta Faransiiska ee looga dilay dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Balse waxa uu intaa ku daray in howlgalka Faransiiska ee taageridda Mali uu ahaa mid uu ku caawinayo argagixisada.

Wuxuu sheegay dadka Faransiiska oo caruurtooda ku waayay howlgal gaar ah oo ka dhacay Mali, ay tatahy inay ogaadaan in dowladoodu ay ka shaqeyneyso kala qeybinta Mali halkii ay ka caawin lahayd Mali.

“Faransiiska waxa uu u sameeyay argagixisadu meel ay isku urursadaan oo ay dib isugu soo abaabulaan muddo laba sano ah, si ay dib ugu soo laabtaan oo ay dalkeena ugu soo duulaan,” ayuu yidhi.

Maiga ayaa hore ugu eedeeyay millatariga Faransiiska inay tababareen argagixisada ayna taageerayaan gooni u goosadka Tuwaareg markii faragelinta Faransiisku bilaabatay sannadkii 2013. Si kastaba ha ahaatee, safaaradda Faransiiska iyo dowladda Faransiiska midna kama aysan jawaabin xilligaas, ayuu yidhi.

Hawlgalka military ee Faransiiska ee loo yaqaan ‘’Serval ‘’ ayaa gacan ka geystay sidii waqooyiga Mali ay ula wareegi lahaayeen kooxaha xagjirka ahi.

Xiisada u dhaxeysa Mali iyo Faransiiska ayaa cirka isku shareeraysay tan iyo markii Paris ay taageertay cunaqabateynta uu urur goboleedka galbeedka Afrika kusoo rogay Mali kadib dib u dhacii ku yimi qabsoomida doorashada ee dalkaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.