Fana: At a Speed of Life!

Aqalka golaha wakiillada oo yeelanaya kal-fadhigoodii saddexaad ee aan caadi ahayn

Ababa Sep 17, 2020 (Maskerem 7,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Golaha wakiiladda JDFI ayaa maalinta jimcaha ee berri ah yeelanaya  kal-fadhigiisii saddexaad ee aan caadiga ahayn.

War-saxaafadeed uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta FBC ayaa muujinaya in Goluhu ka doodi doono ajandayaal.

Goluhu waxa uu ansixin doonaa marka ugu horraysa kulan labaad oo degdegga ah iyo sidoo kale in wadatashi laga yeesho warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadan xanuunka saf-marka ee COVID-19 iyo tallaabooyinka la qaadayo mustaqbalka.

Goluhu waxa kale oo yeelanayaa kal-fadhi deg-deg ah maalinta Isniinta ee soo socota oo ku taariikhaysan bisha Sebtember 21, 2020.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.