Fana: At a Speed of Life!

WHO oo ogolaatay tijaabada dawo-dhireedka Afrika

Ababa Sep 21, 2020 (Maskerem 11,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa aqbashay qaabka loo tijaabinayo dawa dhireedka Afrika ee lagula dagaallamayo fayraska korona.

Sida sayniska uu yahay waa in lala qabsado aasaaska badqabka iyo waxtarka dawooyiinka dhaqanka, sida ay  sheegtay hay’addu.

Dawo kasta oo dhaqan ah oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay, waxay noqoneysaa mid si degdeg ah loo soo saaro, looguna adeegsado daweynta ama ka hortagga coronavirus.

Madaxweynaha dalka Madagascar ayaa horey u buunbuuniyay dawo dhaqameed aan tijaabo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in fayraska ay dawo u tahay in kastoo WHO ay diidaneyd in la isticmaalo wax aan la tijaabin.

WHO waxay sheegtay in qaababka cusub ee tijaabada ay tahay arrin lagu dhiiragelinayo saynisyahannada Afrika si ay tijaabo waxtar leh ugu sameeyaan dawada.

Tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli kiisaska coronavirus ee caalamka ay kor u dhaafeen 30 milyan, iyadoo daafaha caalamkana ay ugu dhinteen in ka badan 957,000 oo qof.

Illaa 1.3 milyan oo kiis ayaa Afrika laga soo sheegay, waxaana ku dhimatay 33,000.

Qiyaas ahaan, 140 nooc oo tallaal oo loo diyaarinayo Covid-19 ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, qaar ka mid ahna waxaa lagu sameeyay tijaabada bini-aadamka.

Xigasho: BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.